Xavi Hernandez Oo Soo Gaartey Magaalada Barcelona Xilli Joan Laporta

Xavi Hernandez ayaa gellinkii dambe ee Isniintii maanta soo gaadhay magaalada Barcelona isagoo kasoo duulay waddanka Qatar, xilli ay taagan tahay hadal-haynta ah in bathroom magacaabayo tababaraha kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu kabeddelayo Ronald Koeman oo la wariyey in shaqada laga caydhinayo.

- Advertisement -

Inkasta oo uu heshiis soconaya illaa sannadka 2023 uu kula jiro kooxda Al Sadd ee waddanka Qatar, haddana Xavi Hernandez  ayaa maanta gaadhay magaalada Barcelona, waxaana uu safarkiisu dabka kusii shiday hadal-hayntii maalmahan ba suuqa ku jirtay ee sheegayay inuu noqonayo tababaraha cusub ee Barcelona.

Kooxda reer Catalonai ayaa  raadinaysa tababare cusub oo beddela Ronald Koeman oo uu Joan Laporta go’aamiyey in shaqada uu ka caydhiyo kaddib kulanka Eibar ee Axadda.

Barcelona oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya guuleysatay, sidoo kalena waqti hore ka hadhay tartanka Champions League oo waliba si bahdilaad ah ay u garaacday PSG, ayaa waxa la sheegay in kulankiisa ugu dambeeya uu Axadda hoggaamin doono Koeman, kaddibna la eryi doono.

Xavi oo ay Barcelona doonaysay in ay ka dhigato tababaraheeda markii ay shaqada ka caydhisay Erneste Valverde ee aanay magacaabay Quique Setien, ayaa waxa la sheegay in uu kulan la yeeshay Mateu Alemany oo ay kooxdiisa hore u bandhigtay in uu layliyo Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin halyeyga Spain ayaa waxa  uu ku adkaystay inuu waqtigan koox kale kula jiro heshiis oo aanu diyaar u ahayn in uu shaqadan qabto sida ay warbaahinta Spain sheegeen.

Si kastaba, Laporta ayaa ololihiisii doorashadii bishii March ay ku jirtay in uu kooxda kusoo celinayo Xavi Hernandez isla markaana uu dhisi doono koox adag oo guulo soo hoysa iyo in sidoo kale uu Lionel Messi kusii hayn doono Camp Nou.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More