XASAASI: Wixii Uu U Sheegay Madaxweyne Joan Laporta Tababare Koeman
Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha kooxda ee Ronald Koeman u sheegay inuu raadinayo tababare cusub oo isaga bedelkiisa noqda.
- Advertisement -
Laporta ayaa la xusayaa inuu tababaraha Dutch-ka ah weydiistay inuu siiyo mudo 15 maalmood ah si uu usoo xusho tababare cusub.
Warbixintan ayaa ah mid ka imanaysa wargeyska TV3 walow uusan xusin tababarayaasha bedelka u noqon kara Koeman, waxa jira macalimiin lala xidhiidhinayo jagadiisa.
Wakiilka Koeman ee Rob Jansen ayaa kasoo baxay Salaasadii xalay ahayd wadahadaladii uu la yeeshay madaxweynaha isaga oo sheegay inuu qabo dareen wanaagsan.
Sidoo kale wakiil Jansen ayaa u sheegay il-wareedka Cadena SER inuu Koeman sii ahaan doono macalinka kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Wali labada dhinac ayaan midina wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin sida ay wax u jiraan balse mustaqbalka Koeman ayaa la filayaa inuu deg-deg dhinac ugu dhici doono.
Xavi Hernandez oo hadda macalin u ah Al Sadd iyo tababarayaal kale oo dhawr ah ayaa lala xidhiidhinayaa booska macalinimo ee Camp Nou.