FESOJ oo codsatay in shuruud la’aan lagu sii daayo
Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si kulul u cambaareynayaa xariga wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo xalay lagu xiray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
FESOJ waxay sheegtay inay ka xun tahay hab dhaqanka ciidamada amaanka, iyagoo ku eedeeyay in weriyaha ay xalay saqdii dhexe ugu dhaceen hoteel uu ka deganaa magaalada Beledweyne.
“Xiriirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) wuxuu si adag u cambaareynayaa xariga sharci darada ah ee Maamulka HirShabeelle, gaar ahaan Hogaamiye ku xigeenka…