Yuusuf Garaad oo loo magacaabay Ergayga Geeska Afrika, Badda
Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraalka soo baxay madaxtooyada loogu magacaabay ergayga gaar ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya, waxana wareegtada madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuha u xilsaaray Mr Garaad “ in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed”
Halkaan ka aqri bayaanka madaxtooyada Soomaaliya
Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Hogaamiyaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”
Hogaamiye Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.