Xogtii kulankii Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen iyo dalxiisyada quusitaanka

Muqdisho (Axadle) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Lafta-Gareen.

- Advertisement -

Madaxweynayaasha saddexda dowlad goboleed oo saaxiib dhaw la ah madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa kala hadlay ololaha doorashada iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ay la qaateen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sida ay ogaatay Axadle, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xoogga saaray uruurinta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf uu ka dhexeeyo.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynaha doorashooyinka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo xiligan ku gudban yihiin caqabado hor leh.

Kulankan ayaa imanaya xilli wada hadalo gooni gooni ah oo u socday shanta madaxweyne uu hakad ku yimid, iyadoo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ahaayeen kuwo ku xiraay shuruudo ka qeybgalka shirka.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay isku dayay inay ka dhaadhiciyaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ka qeyb galka shirka ka socda teendhada Afisyooni.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kalsooni daro ka muujiyay hab dhaqan xumada Farmaajo kadib weerarkii 19 Febraayo, taasoo keentay is faham la’aan kulamadii ugu dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More