Filipe Scolari ayaa magacaabay labada xiddig ee Chelsea

Luiz Felipe Scolari ayaa shaaca ka qaaday in Didier Drogba iyo Nicolas Anelka ay masuul ka ahaayeen in laga ceyriyo shaqada kooxda Chelsea.

- Advertisement -

Scolari ayaa yimid Stamford Bridge isagoo ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka wuxuuna bedelay Avram Grant 2008, laakiin wuxuu qaatay kaliya 7 bilood.

Tababaraha reer Brazil ee Stamford Bridge ayaa ku soo koobay eryistiisa sababey xiriirka labada.

“Waxaan ku dhacay hal ama labo ciyaartoy,” Scolari ayaa u sheegay Yellow and Green Football.

Markii Scolari la weydiiyay inuu magacaabo magacyada ciyaartoydii isku dhacday xil ka qaadistiisa, magacyadiisu waa Anelka iyo Droga.

Scolari iyo Drogba ayaa isku dhacay halka ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu dhaawacmay.

Drogba ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayay inuu u safro magaalo xeebeedka Faransiiska ee Cannes si uu u soo kabsado, halka Scolari uu ku amray inuu sii joogo London.

Anelka ayaa wacdarro dhigay intii uu maqnaa Drogba, Drogba ayaa ku soo laabtay hoggaanka horyaalka isagoo leh 19 gool.

Scolari qorshihiisu wuxuu ahaa inuu abuuro koox u ogolaaneysa Drogba iyo Anelka inay wada ciyaaraan, taasoo ku adkeyd ciyaaryahanka reer Brazil. Anelka wuu diiday inuu la ciyaaro Drogba booska 9-aad halka Drogba uu diiday inuu booska 9-aad qabto oo Scolari uu baxo.

Scolari ayaa yiri: “Anelka wuxuu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka. Anelka iyo aniga waxaan kulannay, wuxuu igu yiri ‘waxaan ku ciyaarayaa kaliya hal boos’. Marka waxaa jiray ixtiraam la’aan iyo saaxiibtinimo ka hor istaagtay inuu la ciyaaro Drogba.

“Taasi waxay ahayd markii aan sii xumaaday. Laakiin tan iyo markaas waxaan la kulanay Drogba, waxaan ku kulannay WC 2018, si furan ayaan u wada hadalnay.

“Waxba kama haysto isaga iyo Anelka. Laakiin way sameeyeen, waxaana lumiyay mid ka mid ah fursadihii ugu fiicnaa noloshayda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More