Xoghayaha Degmada Dayniile oo ka badbaaday qarax lala
Mahad Maxamed Shiraawe oo ah Xoghayaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka badbaaday qarax loo dhigay gaarigiisa oo mararay meel u dhaw xarunta Degmadaas sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
- Advertisement -
Dad qaarkood carruur ah ayaa dhaawac kasoo gaaray firirka Miinada lagu qarxiyay Gaariga Xoghayaha Degmada Dayniile, waxaana goobta gaaray Ciidamada ammaanka oo bilaabay howlgal ay ku dabagalayaan dadka ay ku tuhmayaan qaraxaas.
Xoghaye Mahad Shiraawe ayaa labo jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo Miino oo loo dhigay, halka mid kale loogu xiray Gaarigiisa, dhammaan qaraxyadaas waxa ay dhaceen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Ilo kale ayaa Axadle u sheegay in Waaxda Ciise Cabdi Saakay lagu arkay Maydka qof la dilay oo aysan garan dadka deegaanka, balse markii dambe ciidamada Dowladda oo kaashaya waaxda dambi baarista markii dambe ay qaadeen.
Muqdisho waxaa kusoo kordhay qaraxyada Miinooyinka waxaana isla todobaadkaan qarax ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar oo ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.