Xog-hayaha ururka qareenada Soomaaliya oo GSH ka codsaday in
Garyaqaan Daahir Maxmed Cali (Carab)Xog-hayaha Ururka Qareenada Soomaaliyeed
Isniinta oo ku beegan 16/11/2020’ waxaa lagu wadaa in Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeyo Xubnahii Golaha adegga garsoorka oo sida sharciga baalmarsan ay ku magacaawday Xukuumaddii Xil-gaarsiinta 30/7/2020’ magacaabistaas waxay khilaafsaneed Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka gaar ahaan qoddoka109A ee Dastuurka-KMG, iyo Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lr 28 soona baxay 8/7/2014.
Haddaba maadaama Magacaabista Xubnahaas ay ahayd sharci darro waxaan golaha shacabka ugu baaqayaa in aanay ansixin oo ay diidaan isla markaana aanay raalli ka noqon jebinta dastuurka iyo ku xadgudubka shuruucda kale ee dalka.
Ugu horrayntii golaha wasiirradu waxa uu soo jeedin karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka, labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed, sida ay qabto farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka-KMG, sidoo kale Xarafka E farqadda 1aad ee Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lambar 28 soona baxay 8/7/2014 waxa ay u qorantahay sidaan:- “Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada Soomaliyeed oo xilka haynaya muddo afar Sano Ah ).Sidaas awgeed waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee xilka siihaya uu magacaabay xubno aan Dastuurka iyo Sharcigu midna aysan siin magacabistooda.
Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumaddu Xilka sii haysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka.
Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u billowday inta aan lagala noqon kalsoonida, sidaas daraadeed Xukumad aan kalsoonida Baarlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.
Ugu dambayntii magacaabista shalay dhacday waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka waana ku tumasho sharci oo qaawan, sidaa awgeed waxaan labada aqal ee Baarlamaanka ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro, sidoo kale waxaan rajaynayaa in ururka qareennadu qaato talaab kasta oo sharci oo looga hortagaayo ku tumashada sharciga ee Xukuumadda kalsoonida barlamaanka waysay.