Xog: Guddigii uu Rooble u magacaabay baaritaanka askarta Eri…

Muqdisho (Axadle) – Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u xil saaray baaritaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea aysan wali shaqa gelin. 

Xogta ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmeen culeysyo dhinaca Villa Somalia ah kadib markii lagu wareejin diiday xogta carruurtaas, halka warar kale ay sheegayaan in dowladda Eritrea oo fulineysa codsi ka yimid dhinaca Farmaajo aysan wali aqbalin in guddiga ay shaqa galaan ama wax xiriir ah lasoo sameeyaan. 

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Eritrea ay baaritaanka carruurtaas iyo xaaladooda ku xirtay in la siiyo lacagihii lagula heshiiyay ee tababarka ciidanka Soomaaliyeed, oo la filayey inay bixiso dowladda Qatar balse ay diiday.

Guddiga ayaa ku suga Muqdisho mana jirto ilaa hadda waalid, mas’uuliyiin ama hay’ado kale oo ay la kulmeen marka laga reebo in qaarkood oo wasiirro ah looga yeeray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. 

Markii la magacaabay guddigaan waxaa jiray qoraal ay soo saareen mucaaradka, kaas oo ay ku sheegeen in uusan aheyn guddi madax-banaan oo ka warrama xaqiiqda carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. 

Waxaa isa soo taraya cadeymaha caamliga ah ee ku aadan in dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar u jooga dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan dalbaday in madaxweyne Farmaajo is-casilo, mar dambana aan loo ogolaan inuu xil ka qabto dalka, sababo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo sida uu u haligay dhallinyaraas Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More