Xiisadda Tiray Oo Galaafatay Wasiirkii Arrimaha Dibadda

Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu qabtay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jan-2018, sidaas awgeed waa Wasiirkii ugu muddada dheeraa ee hayey xilkaas

Xil ka qaadis lama filaan ah oo xafiiska ra’isalwasaaruhu gu yeeray Wareegto degdeg ah ayaa xilkii logga qaaday mid kamid ah wasiirradii arrimaha dibadda Soomaaliya ugu muddo xileedka dheeraa, xil kaqaadistan ayaa dhalisay hadal-heyn aad u xooggan iyada oo xukuumadda Rooble ku jirto 100 kii maalmood ee ugu horreeyay.

Sida ay Axadle u xaqiijiyeen, Diblomaasiyiin Soomaali iyo ajaanib isugu jira, iyo ilo xog- ogaal ah oo ku sugan wasaaradda Arrimaha Dibadda amarka xil ka qaadista wasiirka ayaa yimid kaddib xiriir toos ah oo maanta dhex maray madaxtooyada Soomaaliya iyo dublamaasiyiin sar-sare e oo Ethiopian ah.

Xafiiska Raysul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa aad uga carooday mowqifka ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ka qaadatay xiisadda cakiran ee Ethiopia kaas oo ay ka muuqatay dhex-dhexaadnimo, warka Iyo mowqifka Wasaaradda arrimaha dibadda ee kacareysiiyey Itoobiyaanka ayaa Wasaaradda arrimaha dibadda ee JFS waxa shaaciyay 18-Nov-2020 kadib war aan rasmi ahayn oo madaxtooyadu sii deysay laguna taageerayay go’aanka dagaalka kadhanka ah gobolka Tigray ee uu qaatay RW Abiy.

Kaddib markii uu faafay War-murtiyeedka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya islamarkaana meel dhexe ka istaagay dagaalka kasocda gudaha Itoobiya Wasiirka arrimaha dibadda ee xilka laga qaaday aysa bartiisa Twitter-ka kust qoray sidan:-

Waxaan halkan ku caddeynayaa in uusan jirin war rasmi ah oo wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay oo ku saabsan xaaladda Ethiopia, War-saxaafadeedka wareegaya ma matalo aragtida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaas darteed ma aha wax jira”.

Ergeygii hore  ee madaxweyne Farmaajo u qaabilsanaa arrimaha Geeska Afriga, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Maxamed Cusamaan Balal, haddana ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa soosaaray qoraal muddo kooban ku jiray Twitter-ka Rasmiga ah ee wasaaradda kaas oo lagu taageeray dagaalka uu Abiy kula jiro gobolka Tigray iyo gaar haan Jabhadda xoreynta shacabka Tigray-TPLF

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More