Xeer ilaaliyaha Qaranka: “ICJ ayaa laga sugayaa Jadwalka wareegga 2-aa…

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo faah-faahiyay qaabka Soomaaliya ay u gudbisay caddeymaha & doodaha muujinaya milkiyadda badda muranka ay gelisay Kenya ayaa sheegay in si wanaagsan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah loo gudbiyay xogtaas.

Suleymaan ayaa sheegay in la sugayo go’aanka Maxkamadda ICJ ee fadhiga todobaadka dambe qaabka uu qabsoomayo, xiliga & haddii ay ka badaleyso, maadaama labadii fadhi ee 15-ka & 16-ka Maarso 2021 Soomaaliya gudbisatay.

Jadwalka la siiyay labada Dowladood waxa ay Doodda wareegeeda labaad dhaceysaa 22-ka Maarso 2021 haddii aysan wax ka badalin Maxkamadda ICJ oo xaq u leh go’aankaas sabab la xiriirta dhinaca ka maqan Gar-maqalka.

“Soomaaliya waxa ay soo gaba-gabeysay wajiga 1-aad ee Dood-afeedka, Qareennada ayaa si cad usoo bandhigay xeerar kala duwan, muujinta habka xariiqa badaha, Tacadiyada, Xad-gudubyada & muran gelinta Kenya, waxaan sugeynaa wareegga labaad oo Maxkamadda go’aan kasoo gaari doonto isla markaana inoo soo gudbin doonta” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud waxa uu qayb ka yahay wafdiga Soomaaliya ka socda ee Magaalada The Hague ee Dalka Netherland (Holland) u tagay gudbinta warqadaha muujinta Milkiyadda Badda balse Kenya Muranka gelisay.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More