Wasiir Caadle: Madaxweyne diiddan doorasho & kuxigeen kursi
Wasiir Arrimaha gudaha & dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay warar uu ku sheegay been iyo wax aan raad lahayn oo lagu faafiyey baraha Bulshada, kuwaas oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Caadle oo sheegay in uu dhammaaday muddo-xileedkii hay’adaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaaa carrabka ku adkeeyey in odayaasha dhaqanku yihiin salka iyo Asaaska dhismaha Hirshabeelle, sidaas awgeedna ay iyagu kaalin weyn ku leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada DG Hirshabeelle.
Wasiir Arrimaha gudaha & dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa yiri: “Ragga siyaasiyiinta ah Ninkii dan leh oo dani meel uga xiran tahay waxa aan ka codsaneynaa in aysan Shacabka jaha-wareerin, Shacabka Hirshabeelle waxa uu u baahan yahay in waxsan loo sheego! waxsan loo qabto ee yaan Shacabka la wareerin”
Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa isu diyaarineysa dhismaha hay’adaheeda dowlad-goboleedka markii labaad hayeeshee waxa ay wajaheysaa caqabado u baahan xal u helid! kuwaas oo Ammaanku kamid yahay.
Cali Cabdullaahi Cosoble-October 17, 2016-August 14, 2017
Hirshabeelle ayaa la aasaasay October 9, 2016, waxaana madaxweynihii koowaad ee DG loo doortay Cali Cabdullaahi Cosoble October 17, 2016, hayeeshee xubno kamid ah Baarlamaan-goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Cosobla e August 14, 2017 sidaas awgeed muran dheer kaddib Baarlamaanka ayaa Maxamed Cabid Waare waxa uu u doortay in uu noqdo madaxweynaha beddelaya Cosobole September 16, 2017.
Maxamed Cabdi Waare-September 16, 2017- October-17-2020
Axadle