Wadahadallo Kafool ka fool ah oo socda dhinacyada isku haya

Kulanka guddiga wadajirka ah ee militariga ayaa daba socda heshiis 23-kii Oktoobar la gaaray markii labada dhinac ee dagaalamaya ay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin “joogto ah” oo loogu talagalay in loogu gogol xaaro xal siyaasadeed oo loo helo khilaafka sii baahaya ee dalka.
Xuquuda Sawirka Reuters.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saraakiil militari oo ka socda dhinacyada dagaallamaya ee Liibiya ay gaareen magaalo xeebeedka Ghadames halkaas oo ay ku leeyihiin wadahadalladii ugu horreeyay ee fool-ka-foolka ah ee ka dhaca gudaha dalka tan iyo sanadkii hore ka dib dagaalo xooggan oo waqti dheer qaatay.

Kulankan oo soconaya seddex maalmood oo bilaawday Isniinta maanta ayaa lafilayaa in diirada lagu saaro hirgalinta heshiiskii xabad joojinta ee bishii la soo dhaafay ay wada gaareen dowlada caalamiga ah ee laga aqoonsan yahay ee magaalada Tripoli iyo taliyaha militariga gadooday ee Khalifa Haftar oo isku magacaabay ciidamada Qaranka Liibiya

Wakiilka Libya ee UN-ka Stephanie Williams ayaa sidoo kale goobjoog ka ah wadahadalada ka socda Ghadames, oo kutaala meel 465km (290 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Tripoli, kana fog saldhigyada awooda ay ku leeyihiin labada dhinac.

Libya oo caan ku ah soo saarista shidaalka ayaa waxaa hareeyay rabshado tan iyo markii kacdoon ay NATO taageerto 2011 ay afgembiyeen ka dibna dileen hogaamiyihii ruug cadaaga ahaa dalkaasi Muammar Gaddafi.

Tan iyo waagaas, dalka Waqooyiga Afrika waxaa ku xooganaa kooxo hubaysan, oo ay hareeyeen khilaafyo gudaha ah oo u kala qaybsamay laba maamul oo aad isku mucaaradsan: Dawladda Tripoli ee ay garwadeenka ka tahay Qarammada Midoobay ee Heshiiska Qaranka (GNA), oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj, iyo nin la tartamayay isla markaana xiriirka la leh wadamada bariga dhexe ee Xaftar.

Kulanka guddiga wadajirka ah ee militariga ayaa daba socda heshiis 23-kii Oktoobar la gaaray markii labada dhinac ee dagaalamaya ay kala saxiixdeen heshiis xabad joojin “joogto ah” oo loogu talagalay in loogu gogol xaaro xal siyaasadeed oo loo helo khilaafka sii baahaya ee dalka.

Wadahadalladu waxa ay qayb ka yihiin dadaallada muddada dheer socday ee nabadeynta Liibiya.

Xaftar, oo ay taageerayaan Masar, Ruushka iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, ayaa duullaan ku qaaday Tripoli bishii Abriil 2019, laakiin dib ayey u riixeen bishii Juun ciidanka Dowladda la aqoonsanyahay ee Liibiya oo taageero milatari ka heleya Turkiga.

Dhinacyadii dagaallamayay ayaa dib ugu laabtay miiska wada hadalka bishii Sebtember wadahadalladaas oo ay taageeraysay Qaramada Midoobay, iyadoo wadaxaajoodyada lagu qabtay Morocco, Masar iyo Switzerland.

9ka Nofeembar, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay wadahadalo fool ka fool ah ku yeeshaan Tunisia.

Source:-Al Jazeera.net

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More