Wadahadal u socda wasiir Janan iyo Villa Somalia.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Axadle saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya iyo madaxtooyada ayaa heshiis aan la shaacin waxa ay la gaareen Wasiirka amaanka Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Xasan Janan oo ku sugan xero milatari oo ku taalla duleedka degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo.

- Advertisement -

Saraakiil ka hadlay Axadle ayaa u sheegay in wadaxaajoodka labada dhinac uu haatan maraya heer gabagabo, waxaana suurtagal ah in saacadaha soo aadan uu Janan u soo wareego dhanka dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaaday.

Wasiirka Amaanka Jubbaland oo baxsad ka ah Dowladda Faderaalka ayaa sidda ay macluumaadyadda horudhaca ah muujinayaan, waxaa lagu waddaa in ay magaaladda Beled Xaawo u soo galbiyaan ciidamo ka tirsan hay’adda NISA oo todobaadkii hore Dowladda Faderaalka ah ku daabushay gobolka Gedo.

Saraakiisha ay xiganayso Axadle ayaa u sheegay in aan wali la gaarin heshiis dhamaystiran balse laga heshiiyay in uu Dowladda ku soo biro kuna soo wareejiyo ciidanka iyo hubka uu ku haysto duleedka Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiir Janan ayaa January 2020, waxa uu ka baxday xabsi uu ku xirnaa oo ku yaalla magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu sugnaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya iyo saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More