Stefan Löfven: “Joe Biden waa shaqsiga ku habboon shaqadan”
Stefan Löfven: Waxaay ilaa tahay In “Joe Biden uu yahay shaqsiga ku habboon shaqadan” Raiisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Joe Biden isla markaana uu rajeynayo inuu sii xoojiyo.
Laakiin ma uusan soohadal qadin dhaleeceynta adag ee dhigiissii hore u jeediyay Donald Trump.
– Uma jeedo inaan naftayda u huro darajo bixinta, ayuu yidhi Stefan Löfven.
Subaxnimadii Axada, Mudane Stefan Löfven ayaa qabtey shir jaraa’id, kaasoo ku saabsanaa gaar ahaan doorashadii madaxtinimada Mareykanka.
Stefan Löfven ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Joe Biden.
– Waxaan bartay Joe Biden muddadii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa, waxaanan ku bartay inuu yahay qof waanagsan.
Wuxuu siyaasadiisu ku taagan tahay cagaha si adag, waxaana ku qanacsanahay inuu isagu yahay shaqsiga ku haboon howsha mideynta shacabka kala irdhowbay, ayuu yiri Stefan Löfven.
“Iswiidhan iyo USA waxay noqon karaan xoogag hogaamin kara”
Löfven wuxuu kaloo ku raajoweyn yahay in Mareykanka uu dib uga mid noqon doono heshiiskii Paris isla markaana uu door weyn ka qaadan doono iskaashiga kale ee caalamiga ah.
– Kadib faafida iyo isbadalka cimilada, Iswiidhan iyo Mareykanka waxay hormuud u noqon karaan xoogagga isbeddelka Cimiladda Dunida oo waliba abuuraya shaqooyin mustaqbalka.
Waxaan rajeynayaa wada shaqeyn dhow oo wax ku ool ah oo aan la yeesho Madaxweyne Biden arrimahaas iyo kuwo kale, ayuu yiri Stefan Löfven.
Raiisal wasaaraha ayaa la weydiiyay sida uu u arko eedeymaha Donald Trump ee musuqmaasuqa doorashada.
– Waxaan idin xusuusinayaa ka dib markii aan tix raacay CNN iyo kanaalada kale in dib u xisaabinta ka jirta Georgia qof walba uu u maleeyo inay tahay wax qalad jira waa wax dabiici ah maxaa yeelay waxaa jiray farqi yar oo u dhaxeyey.
Markaa kalsooni buuxda ayaan ku qabaa hay’adaha ku shaqadda leh codbixinta ee Mareykanka, waa gobol uu kajiro xukunka ku dhaqanka sharciga.
Hay’adaha, maxkamadaha iyo kuwa kaleba waxay si wanaagsan wax uga qaban doonaan arintaan, ayuu yiri Stefan Löfven.
Musana rabin inuu dhaleecayso Trump
Laakinse Fredrik Reinfeldt, ra’iisul wasaaraha Siyaasadisu dhexdhexaadka aheyd ee 2006 – 2014, ayaa dhaleecayn culus u jeediyay Donald Trump.
Reinfeldt wuxuu u sheegayaa TT in taariikhyahano falanqeeyey Siyaasada Trump ay u badan tahay inay ku soo gabagabeeyaan
“Trump waa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, laga yaabee inuu ugu xun yahay, madaxweynayaashii Mareykanka soo maray.”
Raiisal wasaaraha xilka haya Löfven, dhanka kale, ma uusan dooneynin inuu sii qiimeeyo madaxtinimada Trump.
– Horay ayaan u iri waa wax iska cad inaan ku kala aragti duwanaannay arrimo dhowr ah, laakiin annaga ka dowlad ahaan iyo aniga Ra’iisul wasaare ahaan waxaan ilaalineynaa xiriirka wanaagsan ee aan la leenahay Mareykanka.
Waxaa sidoo kale si dimoqraadi ah loogu soo doortay nidaamkooda doorasho Markii hore.
Haddana dib looma dooran, laakiin ma doonayo inaan dib u eego habkaas, ayuu yiri Stefan Löfven.
Stefan Löfven wuxuu uu sheegay Joe Biden inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka,
laakiin R/ wasaaraha wali warqad hambalyo uma dirin Biden.
Waa Wax caado u ah marka madaxweyne la doorto in la sameyo. Waxaa la sameyn doonaa”markay waqtigeedu saxda ah yimaado”, ayuu yiri Löfven.
Waxaa wax laga waydiyey karantiilka corona ee uu ku jiro: “Dareenkisa gaar ahaaned”
Shirka jaraa’id wuxuu ku saabsanaa gaar ahaan doorashadii Mareykanka. Laakiin ugu dambeyntii, waxaa la weydiiyay ra’iisul wasaaraha sida uu yahay xaalkiisa. Stefan Löfven ayaa khamiistii ku dhawaaqay inuu ku jiro karantiil corona.
– Waa Hagaag mahadsanid, waan fiicanahay. Wax calaamado ah ma qabo laakiin sidaan horeba uu sheegay waxaan la kulmay qof kaliya oo markiisii horeba la kulmay qof qaba cudurka. Markaa taasi waa sababta aan ugu jiro karantiil doorasho aniga iga timid ah.
Marka waxaan dareemayaa wanaag oo xiriir ayaan la leeyahay waxda daryeelka caafimaadka, ayuu yiri Stefan Löfven.
Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com
Axadle media Group