Soomaaliya: DKMG, dowlad goboleedyada waxay markale kulmeen – Axadle
Muqdisho (Axadle) – Hogaamiyaasha dowlada dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada ayaa lafilayay inay maanta dib ugu laabtaan teendhada Afisiooni, laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in arintu aysan sidaa aheyn.
Dowlada federaalka ayaa dhawaan sheegtay in wadahadaladii burburay halka labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay beeniyeen eedeymaha dowlada, beesha caalamkuna waxay dalbatay in dib loogu laabto teendhada.
Hogaamiyaasha maanta ayaa lafilayaa inay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni wadaxaajoodkuna wuu sii soconayaa waxaana loo arkaa inay yihiin geeddi socod lagu qabanayo shirka.
Sikastaba wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in shirka uu burburay isla markaana labada madaxweyne ee puntland iyo jubbaland ay dagaal ku jiraan.
Dhanka kale Saciid C / llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan ogeyn halka lagu qabanayo shirkaasi isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dib ugu laabtaan teendhada Afisyooni xilli kasta.
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday iyo xulafadiisa ayaa durba la rumeysan yahay inay go’aansadeen ka qeybgalka shirka Afisyooni, mana muuqato ifafaale muujinaya in shir kale la qaban karo.