Siciid Deni:- Waa in la qaadaa 4 tilaabo oo deg deg ah si

Hogaamiyaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka qayb galay shirka wadatashiga Soomaaliya iyo Beeshs Caalamka.
Xuquudka Sawirka;-Puntland State House.

- Advertisement -

Hogaamiyaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay afar qodob oo uu sheegay in ay xal u noqo karto in Soomaaliya ay ka qabsoonta doorasho xalaal ah.

Deni oo hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa xusay in ay doorashada heshiis lagu wadayahay ay dalka ka dhacda ay u baahantahay in la qaado afar talaabo oo ka hor imaanaysa qaabka ay u wado doorashada xukumadda dhexe ee Soomaaliya, ku waas oo kala ah;

In guddiyadda doorashada ee lagu muransan yahay uu noqdo mid ka madax banaan faragalinta dowladda federaalka ah.
In hanaanka xulida wakiiladda Gobaladda Waqooyi ee baarlamaanka federaalka ay ku yimaadaan wada-ogol, loogana dambeeyo afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
In ciidamada Dowlada Federaalka laga saaro gobolka Gedo laguna wareejiyo maamulka Jubaland, amaanka gobolka dhaca Koofurta Soomaaliya ee ay maamulaan ciidanka Xoogga dalka.
In degdeg la isugu yimaado shir ay yeeehaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, si loo saxo qodobada la Isku hayo ee ku jira heshiiskii doorashadda ee ay wadagaareen hogaamiyayaasha Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleeyada Xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka.

Siciid Cabdullaahi Deni oo soo hadal qaaday Arrinta Shidaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in Puntland ku baaqayso inaan lagu degdegin bixinta ruqsadaha sidaal baarista illaa laga heshiinaya lagana helayo dharci dhamaystiran oo lagu shaqeeyo.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland oo labadii sano oo uu xil haayay khilaaf xooggan kala dhexeeyay Dowladda uu hoggaamiya Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeediyay in Dastuurka qabyada ah la dhagaystiro doorashada guud dalka ka dib si ayuu yiri loogu waqti iyo qarash ku filan isla markaasna heshiis lagu wadayahay.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More