Siciid Deni oo la hadli doona Barlamanka Puntland
Garoowe (Axadle) Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu wadaa inuu la hadlo baarlamaanka Sabtida soo socota.
- Advertisement -
Xildhibaanada Puntland ayaa loo diray fariin lagu wargalinayo inay ka soo qeyb galaan kulankaasi oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha maamulkaasi.
Deni wuxuu baarlamaanka kala hadli doonaa xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qalalaasaha doorashooyinka.
Wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah diirada u saari doono kala qeybinta wadahadalada doorashooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale lafilayaa inuu kahadlo go, aankii baarlamaanka ee mudo kordhinta dowlada federaalka somalia.
Puntland ayaa horay uga soo horjeesatay baarlamaanka Soomaaliya oo labo sano ugu kordhiyay xilka madaxweyne Maxamed C / laahi Maxamed (Farmaajo).