Shil Sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada
Inta la xaqiijiyay Askari ayaa dhintay mid kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari nuuca Xamuulka qaada gaar ahaan (Toyota Dyna) ku bareeg-joogatay Kontoroolka Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.
Wadaha Gaariga ayaa damacsanaa in uu ka gudbo Bar kontorool oo Ciidamada ammaanka ay ku hubiyaan Gaadiidka & Dadka la socda oo qayb ahaan saaraan Taalada Daljira Daahsoon, maadaama wadada la wareegeysay Taalada la xiray.
“Wadaha Gaariga ayaa awoodi waayay in uu xakameeyo waxaana u go’ay Bareegga xili uu kasoo degay Laamiga xiriiriya Daljirka & Isgoyska Boondheere, waxaana ku dhintay hal askari mid kale waa dhaawac” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay goobjooge.
Shilka ay sababta u yihiin Gawaarida waxaa inta badan loo sababeeyaa wadayaasha oo aan lahayn khibrad sare, Gaadiidka oo aan marin hubinta & waddooyinka oo meelaha qaar burbursan halka kuwa dib loo dhisay saxmad noqdaan xiliyada qaar.