Shil sababay Dhaawaca labo ruux oo ka dhacay Gobolka Mudug.
Gaari nuuca xamuulka qaada gaar ahaan (Biijii) (BG) ayaa shil ku galay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceel-guula iyo afgaduudle oo katirsan Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ceel-guula oo 100 KM dhinaca Koofur Bari uga jiheysan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana marar kala duwan ka dhacay shilalka gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.
Inta la xaqiijiyay labo ruux oo la socotay Gaariga shilka galay ayaa dhaawac halis ah oo u badan jab soo gaaray, halka burbur xooggan uu soo gaaray qaybo badan oo kamid ah Gaarigaan loo yaqaan BG (Biijiiga).
Mas’uuliyiin kala duwan oo goobta tagay ayaa gurmad u sameysay labada ruux ee dhaawaca Jabka ah soo gaaray, waxa ay u qaadeen isbitaal ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Gaariga Shilka galay ayaa waday Badeeco u badan Sokor, waxaana khasaare gaaray qaar kamid ah Badeecada, kadib markii dhowr jeer uu rogmaday Gaarigaan xamuulka ah sida Axadle ay u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Shilalka Gaadiidka waxaa loo tiiriyaa wadayaasha oo aan lahayn xirfad ku filan, waddooyinka oo burbursan, ilaalada nabadgalyada waddooyinka oo aan ka jirin si ay u xakameeyaan xawaaraha lagu socon karo & dhibaatooyin kale oo isbiirsaday.
Axadle.