Shaki laga muujiyey dib u dhac ku yimaada shirka Golaha Wadatashiga

Muqdisho (Axadle)-Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shir loo asteeyey in Sabtida uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya shaki la xariira in dib u dhac uu ku imaan karo shirkaas.

Shirkaas ayaa loo qorsheeyey in la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii la kala saxiixday 27-kii May, sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Ustaad Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa isagoo la hadlayey BBC waxaa la hor dhigay su’aalo ku saabsan waxa laga filan karo shirkaas uu iclaamiyey Ra’iisul wasaaraha Rooble.

Ustaad Daahir ayaa sheegay in sida uu qiyaasayo dib u dhac u uku imaan karo shirkaas, in kastoo sida uu qabo haatan madaxda ay ka dhex jirto xasilooni siyaasadeed oo wax badan ka bedeshay shakigii iyo cabsidii ay qabeen dadka Soomaaliyeed.

“Tan iyo markii uu dhacay heshiiskaan wax weyn oo muuqda lama qaban, laakiin madaxda waa inaan u garaabo, sababtoo ah xasilooni siyaasadeed ooh or u socod leh ayaa la helay, gudiyadiina waa la soo xareynayaa, hada wixii ka dambeeya waxaa laga wadahadlayaa waxyaabaha xasaasiga ah ee dib u dhigi kara doorashada,” ayuu yiri Daahir Qoriyow oo ka faallooda arimaha siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qabaa in heshiiskii ay gaareen madaxdu uusan ku dhaqan geli karin waqtiga loo qorsheeyey, isla markaana ay ku qasbanaa doonaan in waqti dheeraad ah lagu daro.

“Aad ayey u adag tahay in 60 cisho lagu qabto doorashooyinka, sidii horay loogu heshiiyaba, marka waxaan ka sugeynaa kulanka uu ra’iisul wasaaruhu iclaamiyey qorshe macquul ah oo bulshada Soomaaliyeedna ay ku qanci karaan, waana rajeynayaa in waqtiga howsha lagu qabanayo ay tahay waxyaaba ugu badan eel aga wadahadli doono,” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya Caasimadda Muqdisho.

Casuumaadaan waxay timid kadib kulan ay qadka Zoom-ka ku yeesheen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey in la isugu yimaado Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More