Sheekh Shariif oo soo jeediyey talo ku aadan wada-hadalada S…

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay qancinta Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) kadib qoral hambalyo ah oo uu hawada usoo mariyey Shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa ku taliyey in waqti la geliyo sidii loo heli lahaa xal fure u noqon kara Dolwad ku dhisan Cadaalad, Midnimo & Walaalnimo taas oo dalka ka saari karta duruufaha kala duwan uu wajahayo.

“Maanta oo kale 61 sano ka hor 26kii Juun 1960 waxa ay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin farxadeed, maalin xorriyadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay qeybo ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib uga fikirno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh ayaa soo bilaabay wadahadalka Dowladda & Gobaladda Waqooyi, waxayna labada dhinac kulamo kala duwan ku yeesheen Ingiriiska, Turkiga, Jamhuuriyadda Jabuuti & Imaaraadka.

Afartii sano ee uu xilka hayey madaxwenaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan wax hormar ah laga sameyn wada-hadalaadii u socday Soomaaliya iyo Gobaladda Waqooyi.

Maamulka Gobaladda Waqooyi ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya , wuxuuna Muuse Biixi sheegay in Farmaajo uu dhaawac weyn gaarsiiyey wada-haladii u socday Soomaaliya iyo maamulkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More