Senator Ilyaas: “MW Farmaajo ma tanaasulo balse
Senator Ilyaas Cali Xasan oo xubin ka ah Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka lana hadlay BBC ayaa Hogaamiyaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu carqaladeenayo shirarka lagu xalinayo khilaafka hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.
Ilyaan ayaa intaas ku daray in Hogaamiyaha uu had iyo jeer sheegto in uu yahay nin tanaasula, kana shaqeeya sidii loo qaban lahaa Doorasho balse arrintu aysan aheyn sida uu sheeganayo oo uu ku howlan yahay go’aamo kasoo horjeeda sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa aan aaminsanahay in sheegashada Hogaamiyaha ee ah in uu tanaasulo aysan jirin waayo dhowr & toban cishe waxaa Muqdisho jooga Madax-Goboleedyada si looga hadlo arrimaha Doorashooyinka, marweliba oo heshiis diyaar loo noqdo waxa uu isu dayay in uu carqaladeeyo” Sidaasi waxaa yiri Senator Ilyaas.
Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid cakiran, waqti rasmi ah oo ay qabsoomeyso Doorashooyinka ay ku heshiiyeen hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad Goboleedyada ma muuqda, waxaana dhammaaday muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Talada heysa.
Beesha Caalamka ayaa dedaal xooggan gelinaya sidii looga mira-dhalin lahaa kulamada gaar-gaarka ah ee ka socda Caasimadda, kadib markii lagu guul-dareystay kulan guud oo lagu soo afjaro caqabadaha hortaagan Doorashooyinka.