Sawirro: R / W Rooble oo kaqeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha JABUUTI – Axadle

Jabuuti (Axadle) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Raiisel wasaaraha ayaa ku amaanay shacabka iyo dowlada jabuuti horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen madaxweyne Geelle isagoo rajeeyay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan

Rooble iyo wafdigiisa waxay kulamo isdaba joog ah la qaateen qaar ka mid ah madaxdii iyo diblomaasiyiintii ka soo qeyb gashay xaflada oo ay ka wada hadleen danaha guud ee dalkeena.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Mudane Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Difaaca Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale xafiiska raiisul wasaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More