Saraakiil ka tirsanaa qaybta 21 aad oo ku dhimatay qarax ka
Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraanTaliyihii Danab 21-aad Gaashaanle sare Muqtaar, kuxigeenkiisiii Dhamme Mardhow, Gaashaanle Sare Baaraaf oo ka tirsanaa 21-aad iyo Duqii hore ee Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul Wasaare Rooble.
- Advertisement -
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha ku dhintay qaraxa ay ka mid ah Taliyihii Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Generaal, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu dhaawacyahay.
Wariyeena gobolka Jabriil Cismaan Cilmi ayaa ku soo waramaya in aan xog balaaran laga heli Karin goobta qaraxu ka dhacay maadaama ay xireen ciidanka amaanka Soomaaliya.
Jabriil ayaa intaasi ku daray in goobta qarax ka dhacay ay Raysul wasaare Rooble iyo Hogaamiye Qoor qoor u jireen.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa Kontarool lagu baarayay dadka galaya gudaha garoonka.
Agaasimaha warfaafinta Xafiiska Raysul wasaaraha Liibaan Cabdi Cali oo la socda wafdiga Wasiirka 1 aad ee Xukumadda ayaa beeniyay in qaraxa lala eegtay Raysul wasaare Rooble.
“Qarax ayaa ka dhacay afaafka garoonka Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo halkaas oo dad lagu baarayay. Khasaare ayaa jira. Falkan argagixiso waxa uu dhacay intii aan kolonyada Raysul Wasaaruhu galin magaalada. Waa been in kolonyada la beegsaday” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxaa jahwareer galay goobtii lagu soo dhoweyn lahaa Rooble iyo Qoor qoor.