Sacuudiga wuxuu ka mamnuucayaa muwaadiniintiisa inay u safraan Soomaaliya – Axadle
Riyadh (Axadle) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay cusbooneysiisay go’aankeeda ay kaga mamnuucday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay inay u safraan muwaadiniinteeda si loo xakameeyo faafitaanka cudurka faafa ee Covid-19
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in muwaadiniinteeda aysan u safri karin 13 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.
Wadamada go’aanka uu saameeyay ayaa kala ah: Somalia, Syria, Libya, Lebanon, Turkey, Yemen, Iran, Belarus, Armenia, India, the Democratic Republic of Congo iyo Afghanistan.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xitaa muwaadiniinta Sacuudiga aysan u duuli karin 13-ka wadan ogolaansho la’aan.
Horaantii, bishii Febraayo 2021, dowladda Sacuudi Carabiya waxay soo saartay go’aan lagu go’doominayo muwaadiniinta ka kala yimid 20 dal oo ay Soomaaliya ku jirto
Laakiin dowladaha adduunka ayaa wali la halgamaya sidii ay u xakamayn lahaayeen cudurka halista ah ee loo yaqaan ‘coronavirus epidem’, kaas oo dib uga soo cusboonaaday meelo badan oo adduunka ah.