Sacuudi Carabiya oo sheegtay in ay raadineyso wado lagu

Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Riyaad ay raadineyso waddo lagu xalliyo khilaafka saddexda sano ah ee kala dhexeeya deriska Khaliijka ee Qatar.

Amiir Faysal bin Farhan Al Saud oo ka hadlayey khilaafka Sabtidii ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay wado dadaalo ay ku raadinayso waddo ay ku soo afjarto go’doominta lagu hayo Qatar, laakiin wuxuu intaas ku daray in ay weli ku xiran tahay shuruud ah in wax laga qabto arrimaha amniga.

Muranka ayaa soo bilaabmay 2017 markii Bahrain, Saudi Arabia, United Arab Emirates (UAE), iyo Masar oo xubin aan xubin ka ahayn GCC ay ku soo rogeen xayiraad Qatar, iyagoo jaray xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kan gaadiidka, kuna eedeeyay in ay taageerto “argagixisada”. Qatar way beenisay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Bishii la soo dhaafay, Amiir Faysal wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay in xal la helo.

“Waxaan sii wadaynaa inaan diyaar u ahaano laxiriirida walaalaheena Qatar waxaanna rajeynaynaa in ay si dhab ah uga go’antahay kaqeyb qaadashadaas,” ayuu yiri. “Laakiin waxaan u baahannahay inaan wax ka qabanno welwelka amni ee sharci ee afar geesoodka waxaanna u maleynayaa inay jirto waddo taas loo maro” oo lagu xallinayo “mustaqbalka dhow”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay usbuucii la soo dhaafay in aysan jirin cid ku guuleysatay xiisada Khaliijka, isagoo intaa ku daray in dalkiisa uu ku rajo weyn yahay in khilaafku dhamaan doono “daqiiqad kasta”

Laakiin Yousef al-Otaiba, oo ah danjiraha Imaaraadka ee Mareykanka, ayaa u sheegay warbaahinta Israa’iil inuusan rumeysnayn in heshiisku uu soo dhowaanayo.

“Uma maleynayo in si dhakhso leh loo xaliyo sababtoo ah uma maleynayo in ay jiraan wax wax isdhaafsi ah,” ayuu yiri al-Otaiba.

Amiir Feysal – oo ka hadlaya wareysi dhinacyo badan taabanaya oo looga hadlayo shir madaxeedka G20, ee dalkiisu martigalinayo – wuxuu kaloo sheegay in boqortooyada ay xiriir wanaagsan la leedahay “is afgarad leh” Dowladda Turkiga, kaasoo muddo sannado ah khilaaf kula jiray boqortooyada Sucuudiga.

Dilkii saxafiga Washington Post ee Jamal Khashoggi oo ka dhacay qunsuliyada sacuudiga ee istanbuul sanadkii 2018 waxay sii xoojisay xiisadda

Muddo sannad ka badan, qaar ka mid ah ganacsatada Sucuudiga iyo Turkiga waxay isla dhexmarayeen in Sacuudi Carabiya ay fulinayso xayiraad aan rasmi ahayn oo la saarayo badeecadaha laga keenayo Turkiga.

Amiir Feysal wuxuu sheegay inuusan arkin wax calaamado ah oo taageeraya jiritaanka xayiraadaasi.

Wasiirka arimaha dibada ee Sacuudi Carabiya wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in maamulka soo socda ee madaxweynaha la doortay ee Dimuqraadiga ah Joe Biden uu raadin doono siyaasado gacan ka geysta xasilloonida gobolka, isla markaana wadahadal kasta oo lala yeesho ay horseedi doonto iskaashi adag.

Riyaad waxa ay isku haleynaysaa madaxweyne cusub oo Mareykan ah oo ballan-qaaday ololaha doorashada si dib loogu qiimeeyo xiriirka ay la leeyihiin Sacuudi Carabiya.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman wuxuu xiriir dhow oo shaqsi ah la yeeshay Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump xiriirkooduna wuxuu bixiyay keyd badan oo ah dhaleeceynta caalamiga ah ee ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Riyadh ka dib dilkii Khashoggi, doorka Riyadh ee dagaalka Yemen, iyo xarigga dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Meelahaas ayaa hadda laga yaabaa inay noqdaan dhibco u dhexeeya Biden iyo Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha ugu weyn ee saliida iyo iibsadaha hubka Mareykanka.

Amiir Faysal wuxuu carrabka ku adkeeyay taariikhda 75-sano ee “iskaashiga adag ee difaaca” ee u dhexeeya labada dal wuxuuna sheegay inuu filayo inuu sii socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More