Raysul Wasaare Rooble oo kulamo ka bilaabay Magaalada

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday Magaalada Garoowe ayaa kulamo gaar gaar ah la qaaday Hogaamiyayaasha sare ee DG Puntland, mas’uuliyiin kala duwan & shaqsiyaad saameyn ku leh Siyaasadda.

Kulamada ayaa ah kuwo hordhac u ah safarka uu ku joogo Magaalada Garoowe si uu gunta ugu galo ujeedka socdaalkiisa oo ah la xaajoodka Maamulka Puntland oo uu kala hadlayo arrimaha Doorashada.

Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu kulamo rasmi ah la qaato Hogaamiyayaasha DG Puntland sida Hogaamiyaha & ku xigeenkiisa si uu ugu bandhigo waxyaabaha dheliyay safarkiisa iyo habka looga xaajoon karo cabashada laga muujinayo Doorashada 20/21.

Wafdi hordhac u ah oo maalin kasii horeeyay ayaa abaabulay kulamo Maxamed Xuseen Rooble uu la qaadanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada si uu ugu bandhigo go’aanka Dowladda ee Doorashada 20/21.

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay dhageysanayaan waxyaabaha uusoo bandhigo.

Deni ayaa ka gaabsan in uu hordhaco kulamada, maadaama uu diidan yahay hab maamulka Dowladda Federaalka ee Doorashada Soomaaliya, Cabashada isaga & Axmed Madoobe ay qabaan iyo qobo kale, balse waxa uu hadalka kusoo koobay in xog dhageysi kadib in natiijo la helayo.

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya marka uu dhammeysto safarka uu ku joogo Garoowe waxa uu u gudbayaa Magaalada Gaalkacyo oo Waqooyiga & Koofurta kala maamulaan DG Puntland & Galmudug, ugu dambeyn waxa uu gaarayaa Dhuusamareeb.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More