Qoor-Qoor oo bilaabay wada-xaajoodka uu ku dhammeynayo

Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa bilaabay wada hadal uu ku dhammeynayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & musharixiinta Hogaamiyaha Soomaliya ee kahor yimid Guddiga maamulada Doorashada 20/21.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Hogaamiye Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu Xukuumadda Federaalka uga cudur daartay in Guddiga uu soo gudbiyay lagu biiriyo tababarka la siinayo.

Ujeedka uu u qaatay go’aankaas ayaa ah sidii uusan dhaawac siyaasadeed ugu geysan lahayn wada hadalka uu la leeyahay Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka & Midowga Musharixiinta oo saluugsan shaqsiyaad ku jira Guddiga Maamulada Doorashada 20/21.

Qoor-Qoor si toos ah ayuu sheegay in maamulkiisa uu ku dhiiranayo isu keenidda dhinacyada Siyaasadda ku kala fogaaday, waxa uu ka dalbaday in ay joojiyaan tallaabooyinka sii kala dur-jiranaya dhinacyadaan sida uu ku sheegay Khudbad uu ka jeediyay Shirka Iskaashiga Soomaaliya.

Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa Muqdisho joogay muddo 20-cishe ah, waxa uu qaabilay hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka & musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya intooda badan oo midba mar waqti la qaatay.

Qoor-Qoor ayaa isu arka Shaqsi ugu yaraan meel isugu keeni kara Hogaamiyayaasha kala tabaneysa, waxaana bilawga todobaadka soo socda uu qaabilayaa Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa oo safar ku tagaya Garoowe, Gaalkacyo & Dhuusamareeb sida uu qiray Rooble 7-da December 2020.

Dowladda Federaalka & Midowga Musharixiinta ayaa qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo muujinaya in aysan hal dhinac ugu wada socon Doorashada 20/21, kadib markii Xubnaha Xildoonka ah ay sheegeen in Dowladdu ay ka dhega fureysatay baaqyadooda, ugu dambeyn dhankooda ay ku dhawaaqeen Guddi ay ugu magac dareen badbaadinta qaranka si doorasho uu u qabto sida ay hadalka u dhigeen.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More