Qiimeyn: Kheyre ma daryeelay mise waa Dumiyey ciidanka

Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo sheegay in uu u tartamayo  xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashooyinka 2021waxyaabihii uu sida aadka ah isugu mashquuliyey muddadii uu ahaa Wasiirka Koowaad ee xukuumadda kana sameystay xayeysiiska iyo iidhehda siyaasadeed waxaa kamid ahaa galka ciidanka xoogga dalka! haddaba Axadle Media waxa ay qiimeyn ku sameyneysaa habkii iyo siyaasaddii Khayre ee horumarinta iyo dib u habeynta ciidanka xoogga dalka taas  oo saameyn ku yeelan karta olelihiisa  uu ugu jiro tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee 2021-2024.

Warbixintani waxa ay derseysaa gudaha CXD waxa ayna iftiimineysaa aragtidii Khayre ee kuwajahnayd Qaabdhismeedka ciidanka, Bedqabka, Xeryaha ciidanka, Hubka iyo Saadka, sida beeluhu ugu kala badan yihiin ciidanka iyo hoggaanadiisa iyo in Askarta ku abtirsata Qabaa’ilka qaarkiis lagu yareeyo ciidanka iyo talisyadiisa kaladuwan.

Iyada oo ujeedku yahay in macaash laga sameeyo qandaraasyada ciidanka Xasan Khayre waxa uu qaaday laba tallaabo oo waaweyn oo ujeedkoodu ahaa in maamulka ciidanka XDS hoos tago xafiiskiisa,  ujeedada kadambeysay hirgelinta Tubta Amnigu waxa ay ahayd in Xafiiska Ra’isalwasaaruhu gacanta ku hayo maamulka mashaariicda ciidanka, Howlgalka iyo dhaqdhaqaaqyada  aan la sii qorsheyn hayeeshee kuyimaada baahida xukuumadda.

Xafiiska Dib-u-habeynta Ciidamada(Somali Security sector Reform)

Waa barnaamij ay maalgelinayeen deeq-bixiyeyaal shisheeye ah ah! Kaas oo loogu talagalay wax ka bedelka qaab-dhismeedka ciidanka iyo dib u qaabeyntiisa,  Labada mashruucba waxa ay hoos tagayeen oo maamulayey Samira Gaidoo horay u ahayd agaasimaha xiriirka & Warbaahinta ee madaxtooyada Kenya (Kenya State House)  marna ahayd turjumaan la shaqeynayey ciidanka AMISOM, sababta ay Samira u yeelatay awooddaas waxa ay saraakiisha sare ee CXDS u arkaan in ay ahayd xiriirka qotoda dheer ee RW Khayre kala dhexeeya Kenya! kaas oo salka ku haya qorshaha Kenya ee kuwajahan Badda Soomaaliya!  Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qaarkood oo aad ula amakaagsanaa sida RW Khayre ugu qancay in Samiira oo ahayd qof rayid ah islamarkaana haysata dhaashada Waddan uu Soomaaliya kala dhexeeyo muranka xagga Badda ah kana shaqeysay horumatinta xiriirka madaxtooyada Kenya  ay u yeelan karto awoodda go’aanka ugu dambeeya ee ciidanka xoogga dalku  waxay ugu yeeri jireen  General Samira!

 

Laga soo billaabo April-2017 markii xilka Ra’isalwasaaraha loo dhaariyay Xasan Khayre waxaa soo ifbixay barnaamij loogu yeeray Xasilinta Caasimadda oo sida waagaas la shaaciyay ujeedaddiisu ahayd in amniga caasimadda iyo guud ahaan kan gobolka Banaadir lagu sugayo hayeeshee laba sano kaddib 2019  afhayeenkii hore ee wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa dabool qaaday danta laga lahaa Barnaamijkaas, waxa uu caddeeyey in ujeedka ugu weyn ee laga lahaa Barnaamijka Xasilinta Caasimaddu ay ahayd hirgelinta suuq loo abuurayay shirkado iyo warshado soo saara dhagxaanta shubka ah ee jidadka lagu gooyo.

Muddo Saddex sano iyo bar ah oo uu Xasan Cali Kheyre gacanta ku hayay hay’adaha amniga waxaa la iibiyay kumannaan dhagax oo shubka ah kuwaas oo lagu sameynayay magaalada Muqdisho iyada oo dhammaan xarumaha dowladda lagu hareereeyay, kadibna dhagaxdaas Shubku waxa ay u gudbeen in lagu gooyo dhammaan waddooyinka ku teedsan Waddada Wadnaha, waxa suurashay in la xiro dhul ku fadhiya masaafo kor u dhaaftay 10 Km, saraakiil katirsan CXDS iyo la taliyeyaal hore oo katirsanaa Xafiiska Ra’isalwasaaruhu waxa ay qabaan  in macaash weyn laga sameeyay, Kheyrane uu saamiga ugu weyn ku lahaa.

Qorshahaan oo ku saleysnaa ganacsiga Shirkadaha Maafiyada ee ka shaqeeya Nabadgelyada Waddamada ay collaaduhu ka socdaan hayeeshee lagu laray lana siiyey magaca xasilinta caasimadda  ayaa galaaftay muddo sanad ah inta Axadle Media diiwaangelisay nolosha 744 & dhaawaca 403 muwaadiniin oo ku dhintay kuna dhaawacmay 7 qarax oo dhacday intii u dhexeysay 14-June-2017-14-July-2018, Masuuliyadda qaraxyadaas oo uu kujiro Qaraxii 14-Oct-2017 oo aan weli  wax la iska weydiin waxaa qeybteeda ugu weyn qaadaya Xasan Kheyre oo ahaa madixii xukuumadda iyo muhandiska mashruuca xasilinta oo macaash lagu beddeshay nolosha kumannaan qof oo aan waxba galabsan.

Ciidan la dayacay oo la laayay:

 

Intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020, Alshabaab waxay fuliyeen ku dhowaad 30 weerar oo ay ku qaadeen fariisimo ay ciidanka xoogga dalku leeyihiin, 19 weerar oo kamid ah weeraradan waxaa lala beegsaday ciidamada aagga hore ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo  Sabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiil katirsan xoogga dalka weeraradaas waxaa lagu dilay in 100 askari oo ku sugnaa xeryahooda.

Saraakiishii ciidankan hoggaamineysay qaarkood ayaa u xaqiijiyey Axadle Media in hal weerar oo kmaid ah weeraradii dhacay  xilligaas aan laga sameyn habayaraatee falcelin (Contra-Attack) islamarkaana ma jirin gurmad loo fidiyay ciidamada la weeraray ilaa ay gaartay in  Alshabaab ay qabsadaan xerada, laayaan askarta, lana wareegaan hub iyo saanad wixii yaalla iyaga oo muuqaallo ka duubaya kadibna shacabka la wadaagaya.

Saraakiisha ayaa eedda arrintan saaray xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo si toos ah gacanta ugu hayey galka ciidanka “Marka aad la xiriirto taliyaha  oo aad gurmad dalbato, ma laha taliyuhu awood uu amar ku bixiyo si gurmad laguugu sameeyo, waxa uu la xiriirayaa XRW oo iyagana u sheega in ay subaxa E-mail diri doonaan oo laga war sugayo jawaabta”. “Kadib waxaad ku qasban tahay inaad Khadka ka dhageysato shanqarta saaxiibadaa oo leynayo, subaxa dambane aad idaacadaha ka warsugto in Al-shabaab iskaga baxeen xerada iyo deegaanka iyo in kale” ayuu raaciyay sargaal sare oo katirsan ciidanka xoogga dalka

Ciidamada kahowlgala labadaas aag ku sugan oo ah kuwa caasiamdda ka hor taagan Alshabaab ayuu 2017 Xasan Kheyre amray in mushaarka iyo saanddaba laga jaro isaga oo musuq ku eedeeyay saraakiisha iyo hoggaanada ciidanka.

 

August 2018 ayaa la kala diray ciidankii hubeysnaa ee Hay’ada Sirdoonka Soomaaliya iyada oo lagu tilmaamay tallaabo lagu mideynayo Booliska iyo NISA, taas oo xilligeedii la yaab ku noqotay xeeldheerayaasha amniga iyada oo  su’aalo kadhasheen sida laba hay’adood oo aan isku howl ahayn loo mideyn karo iyo sida Hay’adda Nabadsugidda oo aan kudhisnayn Sharci hayeeshee ku taagan Digreeto madaxweyne oo soo baxday 1970-kii ay u la midoobi karto hay’adda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kudhisan Sharci iyo xeer maray dhammaan heerarka kaladuwan ee xeerarka.

Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo lahaa qorshan ayaa ujeedkiisu ahaa yareynta miisaaniyadda NISA isaga oo aad uga welwelsanaa awoodda uu lahaa ciidanka hubeysan ee NISA iyo sida uu uga madax bannaanaa Xafiiska Ra’islawasaaraha iyo Siyaasadda ganacsiga Maafiyada

Kala dirista NISA waxa ay sababta xoogeysiga ururka Alshabaab oo aan sirdoon ahaan aad uga sare maray kan dowladda ilaa Alshabaab uruursadaan canshuur ka badan tan dowladda marka la isku geeyo saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Xaraashka Xeryaha ciidanka

April 2018, kulan uu Kheyre la yeeshay taliyaha ciidanka xoogga ayuu ku amray in xerada General Gordon oo ku taal magalaada Muqdisholagu wareejiyo shirkadda Red Four Security Group for Somalia (SRG) oo fadhigeedu yahay magalaada London, Shirkada (SRG) laga leeyahay dalka Ingriiska oo faa’ido doon ah ayaa kharashka ay ku maamuleyso ciidamada kujira xeradaan ka raadin doonta dalal ay ugu horreyso  Qadar oo dagaal diblomaasiyeed kula jirta Imaraadka Carabta, Axadle Media

Xeradaan oo ay dhistay islamarkaana dayactirtay dowladda Imaaraadka ayaa waxaa la wareegay taliska ciidanka xoogga kadib markii dalka ay iskaga baxeen tababarayaashii Imaaraadka sabab la xiriir labada dal oo xumaaday kaddib khilaafka Waddamada Khiliijka, Xeryaha la qorsheeyay in shirkado lagu wareejiyo ayaa waxaa kamid ahaa xeryo ku kala yaalla Galmudug, Banaadir, iyo Jubaland, balse inta aysan howshaan wada dhaqan gelin ayaa la eryay Ra’iisulwasaare Khayre.

 

In ka badan 600 oo qori oo nuuca fudud ah ayaa la diiwaan geliyay in xerada General Gordon laga xaday oo suuqa lagu iibsaday xafiiska khayre oo galkan gacanta ku hayay ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa, Axadle Media ayaa si dhow ula socota taliyeyaal si toos ah ugu xirnaa Kheyre oo amarka isaga kaliya ka qaadan jiray oo iminka xiran, kuwaasi oo eedeymaha loo jeediyay ay kamdi tahay iibsiga hub ay lahaayeen ciidanka xoogga.

3.5 howlagal la’aan ah:

 

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiineyso sababta ciidanka xoogga aysan xitaa  hal howlgal oo keli ah u fulin muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020, iyada oo miisaaniyadda ciidanka ay ku jirtay miisaaniyadda howlgallada looga baahnaa, sida rasaasta iyo saadka oo ay u dheertahay kaalmada hubka ah ee sida joogtada ah loo helayay.

Saraakiil ka tirsan hoggaannada saadka iyo howlgallada ayaa in oo xaqiijiyay in muddo saddex sano ah ay saxiixayeen miisaaniyadda iyaga oo aan haba yaraatee marna helin qalabka iyo saadka ay u baahnaayeen. BAaris aan sameynay oo ku saleysan xiriir aan la yeelanay askarta, saraakiisha iyo taliyeyaal hore ayaa inoo xaqiijisay in XRW uu kharashaadkaas uu isticmaalayay arrimaha siyaasadda, balse dukumiintiyada lagu qorayay in howlgallo loo isticmaalay.

Musuqan oo la aaminsan yahay in uu yahay kii ugu weynaa ee ciidamada laga dhex sameeyo ayaa waxaa si taxadar leh looga fulinayay xafiis arrimahan u xilsaarnaa balse had la kala diray oo Kheyre hoos imaanayay.

Diiwaangelin mise dhimid ciidanka:

 

May 2017 MW Farmaajo waxa uu London ku saxiixay heshiis ciidanka Soomaaliya lagu soo koobayo 18kun oo askari oo kaliya, isla markaana loo qeybsanayo maamul goboleedyada, taas oo ka dhignayd in ciidanka xoogga dalka qabiil lagu qeybsanayo.

Qorshahaan oo ujeedadiisu ahayd in la dhimo tirada askarta qabaa’ilka qaar kuwo kalena la kordhiyo waxaa masuuliyadda fulintiisa qaatay RW Khayre, waxa uu raadiyey Quburo kala Talisa arrintan kaddibna waxa uu qaatay go’aanka loogu  u ekeysiiyay arrinkan in uu yahay mid ciidanka dib loogu diiwaan gelinayo, waxa uuna muddadaas diiwaanka ka saaray ku dhowaad 9kun oo askaro oo laba beelood u badnaa.

Arrinka dib u dhiska ciidanka ama si kale haddii loo dhigo  “Amniga Dalka” iyo siyaasadda tayeynta hay’adaha Nabadgelyada lagu soo koobo waa qodob ay ka wada siman yihiin dhammaan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya 2021, balse musharrixiinta horay xilalka sarsare u soo qabtay waxa ay leeyihiin sooyaal dib loo eegi karo oo mudan in la qiimeeyo laguna saleeyo go’aannada masiiriga ah.

 

Sources:

Axadle Media

Garowe Online.

AMISOM

SONNA

Opm.gov.so

Hanoolaato

Social Media

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More