Puntland waxay la wareegtay hub iyo rasaas fara badan – Axadle
Garoowe (Axadle) – Ciidamada amaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen hub si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyay gobolka saacadihii la soo dhaafay ka dib hawlgallo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag.
Hubkaan ayaa waxaa Doon looga soo dajiyay Xeebta Deegaanka Ceelaayo ee Gobolkaasi waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in hubkan laga keenay dalka Yemen ee dagaalada ay halakeeyeen.
Saraakiisha ayaa intaa ku dartay inay haatan wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan hubka, rakaabka la socda iyo bartilmaameedkooda.
Booliska Puntland ayaa hada gacanta ku dhigay hubkan oo aan wali shacabka loo soo bandhigin.
Puntland ayaa horay gacanta ugu dhigtay hub fara badan oo ay la haayeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi kadib howlgalo balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amaanka.