Ololaha madaxtinimo ee Shariif Sheekh Axmed oo ka billowday

Dowlad-goboleedka KGS oo Baydhaba kusoo dhoweynaya Musharax madaxweyne Sh SHariif HSeekh Axmed madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ololihiisa doorashooyinka madaxweyne ee 2021 waxa uu kabillowday Baydhaba oo ah caasimadda kmg ah ee DG Koofurgalbeed, musharax Shriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda 2009-2012 iyo wafdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin xildhibaano katirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa gaaray Baydhaba Khamiis-26-Nov-2020, si olaha iyo tartanka musharaxnimo looga  daahfuro dowlad-goboleedka KGS.

Sida uu Shaaciyey xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif iyo Wafdiga la socda ayaa kulamo heer sare ah waxa uu la qaatay madaxweynaha DG KGS Cabdicasiis Laftagareen & madax kale oo katirsan hay’adaha dowlad-goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Midig: MW DG KGS: Cabdicasiis Laftagareen, Bidix: Musharax MW Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda

Sababta daahfurka ololaha madaxtinimo ee Shariif Sheekh Axmed ee KGS ayaa lagayaabaa in ay tahay in sidii u galaangal iyo saaxiibtinimo uga sameysan lahaa guud ahaan DG Koofurgalbeed oo leh kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka, waxa taal 77 Kursi oo isugu jira labada aqal ee Baarlamaanka, sidaas awgeed waxa ay kamid tahay DG musharaxa ku guuleysta uu heli karo codad badan oo u suurageliya in uu u gudbo wareegga labaad ee tartanka doorashada madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Habeenkii Talaadada Todobaadkaan weerar afka ah ku qaaday Musharixiinta Hogaamiyaha ee dhaliilsan Guddiga Doorashada isla markaana difaacay habka loo maray soo magacaabistooda ayaa qaabilay wafdiga Shariif Sheekh Axmed.

December-2019 Koofurglabeed waxa kadhacay doorashooyin rabshada wata oo sababay dhimashada dad kudhow 20 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale, siyaasiyiinta mucaaradku waxa ay sheegeen in xukuumadda dhexe lahayd mas’uuliyadda waxa dhacay kaddib markii ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Alshabaab, hayeeshee isu sharraxay tartankii doorashooyinka DG KGS 2019, si guud South West State of Somalia waxa lagu tiriyaa dowlad-goboleedyada saaxiibka la ah madaxtooyada Soomaaliya

05- November-2020, ayaa musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu soo gebagebeeyey safar uu ku tegey Magaalada Jowhar oo xarun u ah DG Hir-Shabeelle intii ay socotay doorashada madaxweynaha DG Hirshabeelle, socdaalkaas ayaa Sheekh Shariif waxa uu ku sheegay nabadeyn iyo in la yareeyo muranka kadhalan kara doorashada.

Sheekh Shariif waxa kamid ahaa hogaamiyayaasha mucaaradka ee u hambalyeeyey guusha Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo   11-November-2020 Baarlamaan-goboleedka Hirshabeelle u doortay Hogaamiyaha DG Hirshabeele-Nov-2020-Nov-2024 iyada oo ku xigeenka uu ku soo baxay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More