Muxuu yahay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee Colaadda ka
wasiirka arrimaha dibadda Xukumada Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad.
- Advertisement -
Wasaaradda arimaha dibada Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa qoraalkii ugu horeeyay oo rasmi ah waxa ay kasoo saartey colaadda labadda todobaad ka aloosan waqoyga waddanka Itoobiya.
Bayaanka oo ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa garab-is-taag loogu muujiyey maamulka Abiy Axmed iyo midnimadda Itoobiya sida ku cad bayaan ay aragtay Axadle.
Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqeysa wadahadal lagu soo gabagbeynayo dagaaladda ka oogan waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay xaaladda soo shaac baxday ee Itoobiya, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka gudaha ee Itoobiya” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba, waxay diyaar u tahay in ay si buuxda u taageerto baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya, Soomaaliya waxay ayideysaa baaqyo ka yimid gobolka oo ahaa in qaab deg deg ah oo nabad ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan Itoobiya” .
Wasaaradda ayaa lagu xusay “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay hadda iyo mar walba, ay aaminsan tahay in gobolkeennu u baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo ujeeddada guud ee nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna”.
“Soomaaliya waxa ay dib u xaqiijineysaa in ay ku garab-taagan tahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Raysul Wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya,” ayaa lagu soo xiray.
Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa gacansaar dhow la leh xukuumadda Abiy Axmed, waxaana ay kawada shaqeynayaan mashruuca is-dhexgalka amni iyo dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay ku midaysan yihiin dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteray.