Muxuu ku saabsan yahay safarka Hogaamiye Farmaajo ee
Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safraya Dalka Jabuuti, si uu uga qabygalo Shir gaar ah oo looga hadlayo Xaaladda Waqooyiga Itoobiya kadib markii Xukuumadda Abiy Ahmed guul ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Tigray.
- Advertisement -
Hogaamiye Farmaajo ayaa qayb ka ah Madax lagu casuumay shirkaas sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, si loo falanqeeyo mustaqbalka Waqooyiga Itoobiya oo gacanta TPLF kasii baxaya.
Inkasta oo Hogaamiyayaasha Afrika intooda badan ay noqdeen kuwa taageeray faragelinta Militari ee Abiy iyo kuwo ka aamusay, balse waxa ay daneynayaan sidii taageero loogu raadin lahaa dadka ku dhibaateysan Ismaamulka Tigray oo tan & 4-tii November 2020 ku xayirnaa dagaalka.
Dhanka kale, Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu sii joogo doonaa Dalka Jabuuti sababo dhowr ah oo ay kamid yihiin: La kulanka Hogaamiyayaasha dalkaas oo ugu horeeyo Hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle si ay uga hadlaan Xaaladda.
Sidoo kale waxa uu ka qaybgalayaa kulanka lagu dhageysanayo Dacwadda ka dhanka ah Kenya oo ay Gudibisay DFS, waxaana fadhiga looga hadlayo arrintaas uu qabsoomayaa 20-ka December 2020 oo ku beegan Axadda todobaadka Berri bilaabanaya.
Axadle.