Muqdisho:-Ciidamo lagu qarxiyey wadada xiriirisa Tarabuunka

Wararka ka imaanaya degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka mid ah Magaalada.

- Advertisement -

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo maraayay wadada Cabdi qaasim iyaga rasaas xooggan furay ka dib markaa qaraxa lala eegtay.

Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana la sheegayaa in uu dhaliyay khasaare kala duwan inkastoo laamaha amaanka Soomaaliya aysan xaqiijinta inta uu la egyahay khasaaraha Qaraxaasi.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxyeelada saxda ah ee Qaraxaasi uu sababay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan ciidankii saarnaa gaari Cabdibile ah qarax lagula eegtay wadada xiriirisa Tarabuunka iyo KM4, waxyeello ka soo gaartay weerarkaasi.

Illaa hataan, ma jirto koox dusha u ridatay mas’uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Bishii hore ee November 27-deeda, 2020, is-miidaamin lagu beegsaday maqaaxida Gelato Divino ee ku taala wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ay ku naf-waayeen sideed dhalinyaro ahaa.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay weerarkaas. Taliska Booliska Soomaaliya wuxuu saxaafadda u sheegay in dhaawacyadda qaraxaas ay gaartey in ka badan 10 badankooda ah dad shacab ah.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya Muqdisho iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay habraaca guddiyadda doorashooyinka gaar ahaan xubnaha kamid noqonaya.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More