Midowga Yurub wuxuu ka digayaa shir madaxeedka 20-ka May – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Midowga Yurub ayaa soo saaray war cusub oo uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya gaar ahaan qalalaasaha doorashooyinka ee ka socda dalka.

- Advertisement -

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada kulanka la talinta doorashada ee 20-ka bishaan lagu qaban doono Caasimadda Muqdisho.

Nicolas Berlanga ayaa uga digay madaxda Soomaalida fashilaad hor leh oo ka timaada shirka, sida wada hadalada Afisyooni ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay, waana inaan muujino tanaasul ka dhan ah caqabadaha looga hortagayo arrimaha Soomaaliya ee astaan ​​u ahaa doorashada goor dambe oo taariikhda ah sababo la xiriira khilaafaadka dalka ka jira.

Nicolás Berlanga, oo ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa yiri “Dhacdooyinka usbuucyadii la soo dhaafay ee tusay wadada shir madaxeedku waa fursad lagu muujiyo oo kaliya inta harsan ee la go’aamiyay mustaqbalka. .

Digniintan ayaa imaaneysa markii madaxda dowlad goboleedyada ee lagu casuumay shirka 20-ka May, oo dowlada federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u furmayo maalinta Khamiista, aysan wali soo gaarin Caasimadda Muqdisho.

Sikastaba, shalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmay wakiilo ka socday Beesha Caalamka, waxa uuna u balan qaaday in uusan dib u dhac ku imaan doonin shirka soo socda ee looga hadlayo doorashooyinka u dhaxeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More