Midowga Musharaxiinta oo kala caddeeyey inay sii jiri doonaa…
Muqdisho (Axadle) – Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay Caasimadda Muqdisho, kadib markii maalin ka hor la kala saxiixday heshiis doorasho oo rasmi ah, waxayna isku raaceen inay sii jiraan.
Kulankii maanta ee xubnaha Midowga Musharaxiinta waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin aayaha dambe ee golaha iyo doorkooda ku aadan fulinta heshiiskii la gaaray, waxayna soo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray khilaafkii doorashooyinka dalka.
Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u faahfaahiyey waxyaabihii ay kulankaas uga wadahadleen ayaa yiri, “Waxaan maanta qabsanay shirkii ugu horeeyey kadib markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka. Waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa heshiiskaas, waxaana cadeyneynaa inaan u taaganahay fulintiisa inaan ka qaada doono kaalinta nooga aadan.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkooda maanta ay uga hadleen qodobo ayaga si gaar ah u khuseeyey, isla markaana ay ka doodeen sidii ay u meel mari lahaayeen kaalintooda, isagoo xusay in golahan uu sii jiri doono.
“Goluhu waxa uu ka dooday oo isla meel dhigay in dadaalkii iyo howlihii uu waday ee ku aadanaa dowlad dhisidda Soomaaliyeed heshiiskaas kadib aan lagu kala tegin, isla markaana dadaalkoodu uu sii soconayo, ilaa dalka doorashadiisa ay ka meel mareyso,” ayuu yiri Daahir Geelle.
Sidoo kale Daahir Geelle waxa uu sheegay in shirkii maanta ay ku go’aamiyeen in mahadcelin ballaaran ay u jeediyaan ciidanka Qaranka, madaxda dowlad goboleedyada, ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan intii ka hor tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay shalay maanta ku ilaawaan, oo wixii dhacay laga gudbo, isla markaana loo jeesto aayaha berito, waxaana bogaadineynaa dadaalladii lasoo sameeyey, waxaana balan qaadeynaa in danta bulshada Soomaaliyeed aan mar kasta u tanaasuli doono,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle.
Hoos ka Daawo