Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta dhageysaneysa Kiis
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah dhageysaneysa Kiis dacweed ka dhashay Kufsi & Dil loo geystay Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana dhacay 11-kii September 2020.
- Advertisement -
Falkaan ayaa ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay shaqsiyaad ay isla markii uu ficilka dhacay qabatay & Wiilka sheegay in uu ballamiyay Gabadha oo lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Ehelka Xamdi ayaa soo jeediyay in ay Caddaalad u baahan tahay Inantooda, maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu howlanaa sidii Maxkamadda Gobolka Banaadir loogu wareejin lahaa qaadista kiis dacweedkaan.
Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd 20-sano jir waxa ay la nooleed Habaryarteed, iyada oo qayb ka ahayd Ardayda sanad Dugsiyaadkaan dhammeysay sida ehelkeeda ay Axadle u xaqiijiyeen xiligii falka uu dhacay.
16-ka September 2020 oo ah 5-Cishe kadib markii la naf dhaafiyay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax waxaa Magaalada Cadaado lagu qabtay Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah oo afkiisa ku qirtay in uu ballamiyay Inanta sida ay sheegtay Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed.
Dad loo qabtay kufsi iyo dil Muqdisho loo gaystay gabar sanadkaan gashay Imtixaankii Dowladda!
“Cadaado waxaa lagu qabtay nin ku eedeysan Kufsiga & Dilkii Xamdi” Zakiya Xuseen.
Axadle.