Maxkamad xukuntay dhaqtarkii Muslimka ah ee diiday inuu gacan qaado haweeney
Ninka reer Lubnaan ayaa ka gudbay imtixaan muwaadinimo kadib markii uu ku noolaa Jarmalka 13 sano
Dhaqtar Muslim ah ayaa loo diiday dhalashada Jarmalka kadib markii uu diiday inuu gacan qaado haweeney doonaysay in ay gudoonsiido shahaadadiisa.
39 jirkan u dhashay Lubnaan wuxuu qarka u fuulay inuu noqdo Jarmal ka dib markii uu 13 sano ku noolaa dalkaas, dhammaystay waxbarashadiisa caafimaadka iyo ka gudbida imtixaanka muwaadinimada oo ah kan ugu adag ee laga qaado qofka doonaya dhashada wadankaas.
Laakiin waxa uu ku guuldareystay caqabaddii ugu dambeysay ka dib markii uu diiday in uu gacan qaado haweeneyda mas’uulka ka ahayd xafladda lagu gudoonsiinaayay shahaado sanadkii 2015, taasoo keentay in mas’uuliyiinta gobolka ay u diidaan muwaadinimo.
Shan sano ka dib, maxkamad ayaa taageertay go’aanka masuuliyiinta gobolka – iyada oo sheegtay in aragtidiisu ay tahay ‘mid xagjirnimo ku jirto’ taas oo ka soo horjeedda is dhexgalka bulshada Jarmalka.
Ninku waxa uu galay Jarmalka sanadkii 2002 wuxuuna ku noolaa halkaas si sharci ah tan iyo markaas, wuxuu guursaday haweeney asal ahaan ka soo jeeda Siiriya 10 sano ka hor – isagoo u balan qaaday inuusan waligiis gacanta qaadi doonin naag kale.
Wuxuu bilaabay codsigiisa muwaadinimada 2012 wuxuuna saxiixay waraaqaha lagama maarmaanka ah isagoo ku dhaartay inuu dastuurka ilaalinayo oo uu diidayo waxa loogu yeero xagjirnimada.
Laakiin maxkamada Mannheim waxay sheegtay in gacan qaadka uu ahaa mid aan waafaqsanayn dammaanadda dastuurka ee sinnaanta ragga iyo dumarka.
“Haddii codsaduhu diido inuu gacan qaado sababtoo ah arimo la xiriira jinsiga oo aan waafaqsaneyn dastuurka, ma jirto is dhexgal lagu sameynayo xaaladaha nololeed ee Jarmalka” ayay yiraahdeen masuuliyiinta Jarmalka.
“Tani waxa ay si gaar ah u khuseysaa haddii diidmada gacan qaadka ee ka dhanka ah jinsiga kale – sida kiiskan oo kale – ay u adeegsaneyso sii xoojinta xukun Salafiya ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya ragga iyo dumarka” ayay hadalkooda raaciyeen.
Jarmalka ayaa in badan walaac ka qaba waxa uu ugu yeeray wadaada xagjirka ah, kuwaas oo tiro yar ka ah tirada dadka muslimiinta ah ee wadanka ku nool.
Diidmada dhaqtarkaan ee ah inuu gacan qaado haweenayda Jarmalka ah ayaa ka timid ka dib balan uu ka qaaday Xaaskiisa.
Tan iyo bilowgii sanadka 2018, ninku wuxuu joojiyay gabi ahaanba isgacan qaadista – laakiin maxkamada ayaa tan ku diiday in ay tahay ‘taatiko’ lagu marin habaabinayo isdhaxgalka bulshadda
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in is gacan qaadku uu xididdo hoose ku leeyahay dhaqanka reer galbeedka, oo ay ka mid tahay astaan u gaar ah heshiis.
“Isgacan qaadiddu waa salaam caadi ah iyo cibaado macasalaamayn ah oo dhacda iyada oo aan loo eegin xaaladda bulshada, jinsiga ama astaamaha kale ee shakhsiyadeed ee dadka ku lug leh oo dib loogu laaban karo qarniyo” ayay yiraahdeen garsoorayaasha.
Garsoorayaasha ayaa sidoo kale saadaaliyay in isgacan qaadista ay hor istaagi doonto faafida coronavirus, taas oo taabashada jirka la ilaaliyo si loo yareeyo cudurada.
Dhaqtarka ayaa hada racfaan ka qaadan kara go’aanka maxkamada federal.
Insh:Dailymail