Maxay isla garteen Beesha Caalamka & Hogaamiyayaasha

Beesha Caalamka oo kulan saacado socday la qaatay Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleeyda Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle waxa ay kala hadashay qorshaha ugu fudud ee looga tallaabi karo xargaha siyaasadeed ee hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka dhinacyadii ku heshiiyay 17-kii September 2020 ay isla jiheen waayeen.

- Advertisement -

Madax-Goboleedyada ayaa loo dhiibay Shaqo guri oo la micno ah in ay kasoo fakiraan sida ay la tahay in looga gudbi karo culeyska jira ayaa laga sugayaa in berri oo Sabti ah 27-ka Maarso 2021 dib ugu celiyaan Beesha Caalamka si loo madliyo fadhiga guud ee hoggaamiyaha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa gacanta ku heysa heshiiska 17-kii September  2020, ansixinta labada Gole ee Baarlamaanka, go’aamada kasoo baxay Guddiga farsamo ee Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ku gaareen Baydhabo 15-ka & 16-ka Febaraayo 2021 balse aan lasoo bannaanbixin.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan oo kaashanaya Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa cadaadis xooggan saaray Madax-Goboleedyada oo qaarkood ka caga-jiidayay ka qaybgalka kulankaas.

Beesha Caalamka ayaa sal ka dhigatay in aan wax laga badali karin heshiiska dhacay September 2020, in aysan waqti kordhin sameysan karin hogaamiyayaasha Muddo xileedkooda dhammaaday & in aan la qaban doorasho hal dhinac ah, taasi waxa ay keentay in la isku waayo isu keenidda dhinacyadii heshiiyay 190-Cishe kahor.

Villa Somalia ayaa u xusulduubeysa in ay gacanta kusii heyso Madax Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo ay u aragto hubka keliya ay u adeegsan karto DG Jubbaland & Puntland oo diidan damaceeda.

Ilo xilkasta ah ayaa Axadle u sheegay in Beesha Caalamka oo dhageysatay dhinacyada kala tabanaya ee Soomaalida in ay ku dhaqaaqeyso go’aan u diyaarsan haddii Madax-Goboleedyada ay soo gudbin waayaan qodobo ugu yaraan sahli kara in miiska wadahadalka la isugu geeyo dhinacadyii galay heshiiska 17-ka September 2020.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More