Maxay isku fahmeen Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada? –
Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle ayaa horumar ka gaaray wada-xaajoodka u socda ee ay uga hadlayaan arrimaha Doorashooyinka kadib markii ay isla meel dhigeen qodobo muranka ka dhashay uu sameeyay isu imaatinkooda.
- Advertisement -
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay in saddexda Qodob ee muranka kala tagga sababay dhaliyay ee kala ah arrinta Gobolka Gedo & Maamulidda Doorashada xubnaha metalaya Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) laga gaaray xal ah in gogosha Berri oo Talaado ah 30-ka Maarso 2021 ay isugu tagayaan Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.
Madaxweynayaasha DG Puntland & Jubbaland ayaa ka tanaasulay in fadhigaas laga qaybgeliyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo hoggaamiye u ah Golaha Badbaado qaran ee lagu dhawaaqay 18-ka Maarso 2021, kadib soo jeedin uga timid Golaha Midowga Murashixiinta & Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada kale si waqti kale iyo is jiid-jiid kale uusan u imaan.
Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo xulufo siyaasadeed la ah Villa Somalia waxaa dhankooda la hordhigay in danta guud ay ka dhex eegaan wadahadalka isla markaana dhinaca lagu xaglinayo ay u sheegaan in dabac muujiyaan si loo guda-galo Doorashooyinka ay ku heshiiyeen 17-ka September 2020 balse fulinteedu ku adkaatay dhinacyadii saxiixay.
Shirka loo balllansan yahay berri oo Talaado ah in uu ka dhaco Teendhada Afisiyooni waa uu ka duwan yahay kulankii todobaadkii hore oo aysan ka qaybgalin Hogaamiyayaasha DG Puntland & Jubbaland kadib markii ay ku doodeen in aan la fulin qaar kamid ah shuruudo ay soo bandhigeen.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya u qaabilsan James Swan & Donald Yamamoto oo Mareykanka Danjire uga ah Soomaaliya ayaa dhexda u xirtay sidii Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada la isugu keeni lahaa, waxaana ay horay u sheegeen in aan lagu kala tagi doonin wadahadalka ilaa inta natiijo muuqata laga gaarayo, taasi waxa ay muujineynaa in fadhigaan uu yahay kii ugu dambeeyay oo ay isku arkayaan dhinacyadaan isku khilaafay qaabka loo qabanayo Doorashada Dalka.