Mareykanku wuxuu taageersan yahay go’aanka Midowga Afrika, isagoo fariin deg deg ah u diray
Addis Ababa (Axadle) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa taageertay bayaan ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay Farmaajo iyo Baarlamaanka muddo kordhinta labada sano ah.
Bayaan ka soo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada ee arimaha afrika ayaa lagu yiri: “Waxaan taageersanahay go, aanka golaha nabada iyo amaanka ee midowga africa ee lagu cambaareynayo mudo kordhinta ay sameeyeen baarlamanka soomalia usbuucii la soo dhaafay.”
“Waxaan soo dhaweyneynaa dhex dhexaadinta Midowga Afrika waxaana ugu baaqeynaa hogaamiyaasha Soomaalida in ay ku heshiiyaan wadadii horey loogu mari lahaa in lagu xaliyo qalalaasaha doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan.”
Waxaan taageersanahay go’aanka Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika @auc_pap oo lagu cambaareynayo kordhinta waqtiga ee baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyeen todobaadkii hore. Waxaan soo dhaweyneynaa dhexdhexaadinta @ _AfricanUnion waxaana ku boorineynaa madaxda Soomaaliya in ay isku afgartaan wadadii horay loogu mari lahaa in si dhaqso leh lagu xaliyo qalalaasaha doorashada
– Xafiiska Arimaha Afrika (@AsstSecStateAF) Abriil 22, 2021
Bayaan ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa xalay lagu cambaareeyay muddo kordhinta, iyadoo lagu sheegay inay dib u dhigeyso doorashada Soomaaliya, isla markaana wiiqayso midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo sidoo kale geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dastuurka ee loo baahan yahay.
Bayaanka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay inay rumeysan yihiin in heshiiskii 17-kii Sebtember 2021 uu aasaas iyo habka ugu wanaagsan ee lagu fulin karo doorasho deg deg ah, furfuran oo lagu kalsoonaan karo.
Go’aanka Goluhu wuxuu dhabarjab weyn ku noqday Farmaajo, maadaama Midowga Afrika uu ahaa xubinta kaliya ee ka hartay beesha caalamka, horayna u beeniyay muddo kordhin ay sameeyeen UN, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan waddamada Yurub.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali wax jawaab ah ka bixin go’aanka Midowga Afrika, laakiin dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in albaabka ugu dambeeya ee Farmaajo uu ka xiran yahay kordhinta.