Mareykanka oo farriin adag u dirayaa farmaajo, Golaha Wakiillada iyo militariga

Washington (Axadle) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Wakiillada inay si deg deg ah u laalaan sharciga muddo kordhinta ee 12-ka Abriil.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Mareykanku wuxuu qirayaa ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee 28-kii Abriil inuu baabi’inayo heshiiskii 17-kii Sebtember isla markaana uu si dhakhso leh u bilaabi doono wadahadalladii uu la lahaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. Waxaan ka codsaneynaa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka inay si deg deg ah uga shaqeeyaan sidii loo laali lahaa muddo kordhinta 12-ka Abriil.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu amaanay R / wasaare Rooble iyo hogaamiyaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed diidmada mudo kordhinta.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kulmaan si loo soo afjaro howlaha xulista iyo heshiisyada isla markaana loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, halka heshiiska aasaasiga ee 17 september.

“Dhammaan hoggaamiyeyaashu waa inay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda, iyagoo danta shacabka ku gorgortamaya si niyad sami ah oo aan shuruud lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan ka codsaneynaa ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan inay is casilaan oo ay ogolaadaan in wadahadalada siyaasadeed ay ka bilowdaan jawi ka caagan rabshadaha iyo hanjabaadaha. Dagaalada sii soconaya waxay sii xumeynayaan xaalada dadka Soomaaliyeed.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More