Mareykanka oo ballanqaad cusub u sameeyay dowladda Soomaaliya – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay taageerada ay siiso Soomaaliya waxayna ballan qaaday ballanqaad cusub oo ay siineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya dhanka garsoorka sidii loo heli lahaa ‘nidaam cadaaladeed oo si hufan ugu shaqeeya dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hagaajiyo garsoorka dalka, maadaama dadka Soomaaliyeed aysan helin muddo dheer cadaalad la isku halleyn karo.

ā€œ“Mareykanku wuxuu ka caawinayaa Soomaaliya sidii ay uga dhigi laheyd nidaamkeeda cadaalada mid wax ku ool ah iyo u adeegida dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer ka maqnaa helitaanka cadaalad la isku halleyn karo,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Sidoo kale waxay tilmaamtay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka inay diiradda saari doonto sidii loogu dari lahaa dhammaan garsoorka, gaar ahaan dowladda Dhexe iyo Gobollada Soomaaliya.

“Sidii laysku waafajin lahaa ku dhaqanka sharciga ee garsoorka hoos yimaada dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa horay uga taageeray Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo amniga.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More