Mahad Salaad:-Warqad dhiigeena lagu baneysanayo ayaa
15– Xildhibaan ee guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu u diiday in ay ka qayb galaan kulamada golaha shacabka ayaa sheegay in ay xaadirayaan kulanka bari oo isniin ah baarlamaanku ku yeellanayo xarunta golaha shacabka.
- Advertisement -
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay afka mudane-yaasha ayaa sheegay in ay Go’aanada uu soo saaray Afhayeenka Aqalka Sare ay yihiin sharci daro, isla markaana uusan xaq u laheyn in Xildhibaanadu uu ka hor-istaago ka qeyb-galka kulamada Golaha.
Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu si shaqsi ah u qaadanayo mas’uuliyadda cawaaqibka xumada ka dhalata “warqadda dhiigeena lagu baneysanayo ee loo dhiibay” ilaalada xarunta Golaha Shacabka.
Mahad ayaa sheegay in ay soo gaartay farriinta loo soo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayna tagayaan shirka Beri wixii dhibaato ahna ee soo gaara Xildhibaannada uu si Shaqsi ah mas’uul uga yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-Nuug ayaa sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu u adeegayo Hogaamiyaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana dalka uu dhibato u horseedayo sida uu hadalka u dhigay.