Kulamo looga hadlaya xal ka gaarista cabashada ka taagan
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaya sidii loo xalin lahaa cabashada ka timid magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 oo Xisbiyada Mucaaradka ay sheegeen in ay u badan yihiin saraakiil katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kamid ah madax goboleedyada magacawday Guddiga Doorashada 20/21 ee cabashada ka timid oo Muqdisho soo gaaray 15-ka November 2020 waxa uu qaabilay xubno u badan Xisbiyada Mucaaradka.
Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ay dalbadeen in la kala diro xubnaha Guddiyada doorashada 20/21, si loo magacaabo xubno ka madax bannaan Hay’adda NISA & Madaxtooyada waa sida ay ku doodayaan.
Inkasta oo Hogaamiye Qoor-Qoor uu keli ku yahay kulamadaan, balse waxa uu wadaa dadaal xooggan oo la xiriira sidii loo damin lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay Guddiga doorashada 20/21, maadaama 12-musharax ay soo saartay go’aan wadajir ah.
Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo gaartay cabashada xubnaha guddiga ayaa dhankiisa wadin dhaq-dhaqaaq la xiriira turxaan bixinta shakiga ka dhashay guddigaas.
Maxamed Cabdi Waare oo Hir-Shabeelle u magacaabay guddiga doorashada 20/21 xilka wuu baneeyay, halka Hogaamiyaha cusub & ku xigeenkiisa ay ku mashquulsan yihiin muddo kordhin sanad ah & xil la wareegista.
Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa beeniyay in Guddiga doorashada 20/21 ay ku jiraan Shaqsiyaad laga soo dhex xulay Hay’adda Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Haddaba, Suuragal ma tahay in la kala diro xubnaha Guddiga doorashada ee cabashada ka timid si loo magacaabo xubno kale?
Maxaa hortaagan in Puntland & Jubbaland ay dhameystiraan Guddiga Doorashada 20/21?
Hogaamiye Farmaajo oo sheegay in dalka uu galay doorashada 20/21.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in xubnaha Guddiga Doorashada 20/21 laga soo dhex xulay Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Cabashada Mucaaradka & Cagajiidka Doorashada 20/21!
Axadle.