Ku simaha xoghayaha gaashaandhigga oo yimaadda Soomaaliya

Ku simaha xoghayaha gaashaandhigga ayaa booqashadiisii ugu horreysay abid ku yimaadda Soomaaliya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dhimis ballaaran lagu sameeyay ciidammada

Ku simaha xoghayaha gaashaandhigga Christopher Miller ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Soomaaliya jimcihii,

Miller ayaa muddo saacado ku sugnaa Muqdisho, gaar ahaan garoonka Diyaaradaha oo uu kula kulmay xubno ka mida Ciidamada Mareykanka,, sida ay shaacisay CNN.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo Maamulka Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ku sugan Soomaaliya oo gaaraya ku dhowaad 700 askari.

Inkasta oo saraakiisha Pentagon-ku ay sheegeen in ujeedada safarku tahay inay la kulmaan ciidamada inta lagu guda jiro ciida Thanksgiving-ka, waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorsheynayo inuu meesha ka saaro ku dhowaad 700 oo askari oo Mareykan ah oo hadda la geeyay Soomaaliya si ay u taageeraan ololaha ka hortagga argagixisada ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ku beegsadaan xubnaha sare ee Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More