Ku dhawaad 3.5 Milyan oo Haween ah oo kacabanaya Internet

Donatella Melis, waxaan ahay shaqaale mas’uul ka ah aagga suuqgeynta shirkad softerhouse ah oo xafiiskeedu ku yaal xarun ganacsi oo ku taal bartamaha magaalada Milan, waa qofka kaliya ee ka mid ah 10 shaqaale ee ka shaqeeya xafiiska tan iyo markii cudurka dilaaga ah ee coronavirus uu ka dilaacay, Milan, Italy, 24 Febraayo 2020.

- Advertisement -

Xog baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dalka Talyaaniga haweenku aysan guryahooda ku helin isticmaalka adeegga Internet-ka oo sahla xiriirka baraha Bulshada & la socodka dhacdooyinka kala duwan.

Wakaaladda Wararka Talyaaniga u faafisa ee Agenzia Nazionale Stampa Associata ee loosoo gaabiyo (ANSA) daabacday in laga soo bilaabo sanadkii hore 2019-ka in la waday xog baaristaan oo meelo kala duwan lagu sameeyay.

Machadka Censis ayaa baaris uu sameeyay kusoo ogaaday macluumaadka la xiriira in dhibaatada haweenka guryo joogga ah ay tahay in aysan helin internet ay isticmaalaan si ay dhacdooyinka kala duwan ula socdaan.

Sidoo kale Wakaaladda dabagalka Talyaaniga u qaabilsan xuquuqda Daabashada Teleefishinada ayaa ku raacday xog baaristaan ah in aysan Dumarku guryahoodu ku helin isticmaalka Adeegga Internet-ka.

Daraasado kale oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in 11.8 Milyan oo Guryo ah una dhigma (46.6%) in waddanka talyaaniga ka taagan tahay baahida internetka, saameynta ugu badan ayaa la dareemay kadib markii xayiraadda cudurka Covid-19 ay sababtay in dadka ku nagaadaan (Joogaan) Guryahooda.

Isha:- ANSA  /  Axadle.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More