Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 26°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Koofur Galbeed oo Baraawe u diyaarisay ciidan suga ammaanka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

DG Koofur Galbeed ayaa ciidamo Daraawiish & Booliis isugu jiro u diyaarisay Magaalo Xeebeedka Baroowe oo ah xarunta Dastuurka ugu qoran maamulkaas, inkasta oo uusan waligii ku shaqeyn.

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo dhaqangelinaya kulan bishii Oktoobar 2020 la qaatay Odoyaasha dhaqanka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa diyaariyay qorshaha askartaas lagu qaadayo.

- Advertisement -

Dalabka ciidankaan ayaa ka dhashay kadib markii waxgaradka fadhiga la yeeshay Hogaamiye Lafta gareen ay la wadaageen walwalka dhanka amniga & loolanka kuraasta Golaha Shacabka BFS ee saami ahaanta loogu diyaariyay in lagu qabto Xarunta KGS.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in ciidamada ku sugan Degmada Baraawe lagu xoojin doono askarta la qorsheynayo in la geeyo Magaaladaas, inkasta oo aan la shaacin halka laga qaadayo & tirada ay gaarsiisan yihiin.

Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah DFS ayaa isu diyaarinaya doorashada lagu soo dooranayo kuraasta BFS, waxa ay isugu jirtaa labo qaybood, Senatarada waxaa dooranaya Maamulada halka Kuraasta Golaha Shacabka ay soo dooranayaan Ergo Beeleedka iska leh.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes