Kenya, Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha IGAD oo shir ay albaabada u

Shirkan oo ay isugu imaadeen waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta si rasmi uga furmay Jabuuti balse ilaa haatan ma jiraan fafaahin ka soo baxay shirkaas oo albaabada la isugu laabay.

- Advertisement -

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo maalmihii dambe sare u sii kacayay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u sheegtay in IGAD ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Madaxada ilaa haatan Jabuuti ku sugan  waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Kenyatta, raysal-wasaareyaasha Itoobiya iyo Suudaan Abiy Axmed iyo Caballa Xamduuk.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanaya, iyadoo Hogaamiye Maxamed C / llaahi Farmaajo uu ku hanjabay inuu ceyrin doono Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya sida uu ku waramay Wargayska Nation ee ka soo Baxa Nairobi.

Wargayska ayaa qoray in Hogaamiye Farmaajo uu doonayo in askar ka socota Eriteriya lagu badalo  KDF si ay uga qayb noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom).

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil u dirtay AMISOM iyo dowlado kale si meesha looga saaro ka mid ahaanshaha Kenya ee AMISOM.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More